410026785_753392706822900_9128657721438914479_n.jpg
Agaasimaha guud ee WT&M Mohamed Osman Siciid ayaa kulan kii ugu horeeyay xafiiskiisa kula qaatay Unugga fulinta ee mashruuca baanka adduunku ku maalgelinaayo korontada dalka. Unuggan fulinta mashruuca oo hoos yimaadda wasaaradda tamarka iyo macdanta, gaar ahaan laga maamulo xafiiska agaasimaha guud ayaa u jeedka kulankan maanta uu ahaa xog ka siin agaasimaha guud, xaaladda iyo marxaladaha uu maraayo shaqada mashruucu iyo dardargelinta hawlqabadyada mashruucan oo muddo sanad ah socday.
Waxa sidoo kale kulankan dib loogu eegay oo lagu gorfeeyey waxa ka qabsoomay, wixii qabyo ah hawlqabadyadii u dejisnaa qorshe sanadeedka 2023 ka iyo sababta. Waxa iyana la isla eegay hawlqabadyada qorshe sanadeedka soosocda 2024.
Kulankan ayaa waxaa markii dambe qayb kasoo noqday Gudoomiyaha komishanka tamarta Xasan Maxamuud iyo agaasimaha guud ee komishanka tamarta Maxamed maxamuud Cabdi oo iyaguna qayb ka ahaa mashruucan.