455644794_902110995284403_8084394464278875929_n.jpg
Agaasimaha guud ee WT&M Mohamed Osman Siciid ayaa kulan Dar-dar gelinta shaqadda la qaatay Unugga fulinta ee mashruuca baanka adduunku ku maalgelinaayo korontada dalka.
Kulankan waxa lagu soo dhaweeyay xubna cusub oo ku soo biiray kooxda Fulinta Mashruuca.
Unuggan fulinta mashruuca oo hoos yimaadda wasaaradda Tamarka iyo Macdanta, gaar ahaanna laga maamulo xafiiska agaasimaha guud ayaa u jeedka kulankan la iskaga xaal waraystay halka u mashruucu marayo iyo waxii caqabda ah ee loo bahanyahay in wax laga qabto.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa kula dar-daarmay in la dardar geliyo shaqada si maal-gashigani dalka uu u galo bulshaduna uga Faa'ido.