418438955_771166475045523_8614160271464404065_n.jpg
Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Mohamed Cismaan Siciid iyo wefti uu hogaaminaayo oo safar shaqo u jooga gabollada bariga ayaa Kormeer isugu jira xog ururin iyo wac-yigelin kusoo sameeyey degmooyinka mashaariicda macdan qodistu ka socoto ee gobolka Togdheer, gaar ahaan degmada FIQI-AYUUB.
Weftigan ayaa waxaa agaasimaha guud ku wehelinaayay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Mohamed Nuur, Taliye ku xigeenka qaybta ee gobolka iyo xubno kamid ah agaasime waaxeeddada wasaaradda sida Agaasimaha waaxda Macdanta iyo agaasimaha waaxda xidhiidhka gobollada iyo sidoo kale Isuduwaha gobolka Togdheer ee wasaaradda.
Weftigan ayaa soo indhoidheeyey goobaha macdan qodisktu ka socoto ee degmada Fiqi-Ayuub sidoo kalena kulamo gaar gaar ah la qaatay cuqaasha, waxgaradka, odoyaasha iyo dhallinyarada degamada fiqi ayuub.