442499872_853582593470577_4910296713095466938_n.jpg
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Maxamed Cismaan siciid ayaa maanta gudoominayey shirka maamulka iyo Agaasimayaasha waaxaha.
Shirkan oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa ay Madaxda iyo maamulka Wasaaraddu ay ku wadaagaan hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu gacanta ku hayso, waxaana wax layska waydiiyaa shaqooyinka qorshaysan, kuwa qabsoomay iyo sidii loo joogtayn lahaa isla markaana loo gaadhi lahaa hiigsiga iyo himilooyinka u dejisan Wasaaradda.
Intii uu kulanku socdayna waxay Agaasimayaasha Waaxuhu ku soo bandhigeen Shaqooyinka qabsoomay, kuwa qorshaysan iyo sidii qorshayaashaas loogu fulin lahaa wakhtigooda.
Ugu dambayna agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciis ayaa uga mahad celiyey agaasimayaasha shaqada fiican ee ay u hayaan wasaaradda waxaana uu ku booriyey inay shaqo kasta kusoo dhameeyaan wakhtiga loogu talo galay,
dhanka kale Waxaa uu agaasimuhu balan qaaday inay maamul ahaan diyaar u yihiin sidii loo gaadhi lahaa hiigsiga iyo himilooyinka qaranka.