310455820_483227907172716_3389068320387380325_n.jpg
Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Foosi Maxamed Faarax oy weheliyaan Agaasimaha Waaxda Macdanta iyo Agaasimaha Xidhiidhka Dad-weynaha iyo warbaahinta
Maamulka Gobolka Sanaag Ahmed cabdi Muuse Taliyaha qaybta Gobolka Sanaag Saleebaan Ducaale Ubaxle Maamulka Degmadda Ayaa daah furey Mashruuca Macdan qodista ee shirkadda Brillinat Mining company ay ka bilaabayso Deegaanka Huluul Ee Gobolka Sanaag
Maamulka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa ka war bixiyey faa'idada Qaranka iyo Gobolkaba ugu jirto iyo in ay soo dhaweeyaan Shirkaddan Maanta la daah furayo.
Maamulka Gobolka Sanaag iyo ka degmadda Ceel-Afwayn ayaa dhankooda bulshada deegaanka kula dardaarmay Mashaariicda Horumarineed ee deeganka ku so kordha in Horumarka la soo dhaweeyo Gacmahana la isku qabsado.
Odayaasha deeganka ayaa si qurux baddan u soo dhaweeyey Shirkaddan Balan qaadayna in khayraadka Dalka laga faa'idaysto.