409923043_748464320649072_5739947157682896495_n.jpg
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid oo kulan is barasho iyo dar-dargalinta shaqada la qaatay Agaasimayaasha Waaxaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
Shirkan Waxa Goob-joog Ahaa Dhamaan Agaasime Waaxeedada Wasaaradda, Agaasime waxeed kastana waxa laga dhagaystay Shaqadda uu masuulka ka yahay iyo in uu dhamaystiro qorshaha sanadkan sii dhamaanaya waax kasta u qorshaysnaa.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed siciid Cismaan Ayaa Agaasimayaasha Ku Adkeeyey Masuuliyada Shaqo Ee Looga Baahanyahay In Qofkasta Iska Saaro Goobta Uu Joogo, Wuxuuna Kula Dardaarmay Agaasime Kasta Inuu Ilaaliyo Masuuliyadda Shaqo Ee Ay Gacanta Ugu Hayaan iyo Dhamaanba Agaasimayaashu in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqadda.