Ey8G92XXEAE60O0.jpg
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Korontadda Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi Malow iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa xarunta wasaaradda ku kulan kula yeeshay Maareeyaha Shirkadda bixisa Adeegga korontadda Magaalada Burco ee HECO, Mudane Khadar Jibril iyo Gudoomiyaha Agaasinka ka shirkadda Mudane Maxamuud Axmed Liibaan.
Kulankan ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta adeeg bixinta korontadda magaalada, horumarinta suuqa koronto qaybinta iyo fidinta ee magaalada, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa in qiimaha korontadda magaalada Burco loo dhimmi lahaa, si guud ahaan loo horumariyo adeegaa korontadda ee ay Shirkaddu u fidiso bulshada.
Dhinaca kale, waxa laga wada hadlay, in Wasaaraddduna kala shaqayso shirkada HECO sidii ku heli lahayd taageero farsamo, maalgelineed taas oo wasaaraddu baadidoonkeeda iyo hirgalinteedaba ka shaqayso.
Sidoo kale, waxa la isla gartay in shirkadda HECO soo diyaariso qorshaheeda horumarineed ee dhaw iyo ka fogba, kaas oo ku salaysan sidii qiimaha korontadda loo dhimi lahaa.
Waxa uu kulankaasi ku soo dhammaadey Guul iyo is fahan siddii looga wada shaqayn lahaa in magaalada Burco ay hesho koronto jaban oo bedqabta la iskuna halayn karo.
= Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee WTM=