323887034_858147872120031_1552143094166880456_n.jpg
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa maanta daahfuray mashruuca raashin qaybinta ee ay iska kaashadeen Shirkada Shiidaal Baadhista Genel Energy iyo wasaarada Tamart iyo Macdanta, kaas oo ay Haayada ANNPICAN gaadhsiinayso dadka degan 99 Tuulo oo uu maro Block ga ay shirkada Genel Shiidaal Baadhista ka wado,Kaas oo ku yaala labada Gobol ee Saraar iyo Togdheer.
Sidoo kale waxaa ka fa'iidaysanaya dad gaadhaya 4158 qoys oo ah kuwa ugu jilicsan dadka deegaanadaas aan sare ku soo sheegnay.
Xaflada daahfurka waxaa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Togdheer, Badhasaabka Saraar, Haayada ANNPICAN, Shirkada Genel Energy, iyo Shirkada Taiwaan ee POIC.
Madax kale duwan oo halkaas ka hadashay ayaa uga mahad celiyay Wasaarada Tamarta iyo Macdanta iyo Shirkada Genel Energy oo markasta la dareen ah dadka ay abaartu saamaysay ee degan goboladaas.