433029861_806574124838091_3002192535989040333_n.jpg
18/03/2024 WT&M (Hargaysa)
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Md Siciid Axmed jibriil ayaa daahfuray kulanka Dib u habaynta iyo Turjumaada Xeernidaamiyayaasha Baadhista iyo Soosaar ka Shidaalka, oo socon doona muddo 6 bilood ah. kana kooban shan xeernidaamiye oo kale ah:
1. National Content Upstream Petroleum Regulations
2. Data Resource Management Regulations
3. HSE Upstream Petroleum Regulations
4. Upstream Petroleum Measurements Regulations
5. General Upstream Petroleum Regulations
kulankan waxaa goob joog ahaa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Saciid Axmed Jibriil , la taliyayaasha farsamo ee Arimaha shidaalka Saciid M. Dhamac, Eng. Maxamud Jamac (Jabali), Agaasimaha Waaxda. Qorshaynta, Agaasimaha Waaxda Shidaalka iyo injineero ka tirsan Waaxda Shidaalka.
Agaasimaha waaxda Shidaalka ayaa ka warbixiyey ahmiyada ay leedahay dib u habaynta iyo turjumaada xeernidamiyayaashan, taasi oo ka qayb qaadanaysa so jiidashada maal gashiga dhinaca khayraad dabiiciga sidaa baadhista iyo soo saarka shidaalka, sidoo kale la xisaabtanka shirkadaha heshiisyada dawlada kula jira.
Sido kale waxaa talooyin so jeediyay labada khabiir Eng Saciid Dhamac iyo Eng Maxamud Jabali kuna dheeraday sida ay u muhiimsantahay in la dhiso shuruucdaa iyo xeerarka shidaalka dalka.
Ugu danbaynti waxaa kulanka soo xidhay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Saciid Axmed Jibriil isaga oo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay uu leedahay dalka in xeerarka iyo shuruucdaba la dhamaystiro, sidoo kale ay si fudud maalgashiga shisheeye ay ugu soo hiran karaan dalkeena,
Dhanka kale waxaa uu ku adkeeyey injineerada iyo khubarada mudada 6 bilood ku diyaarin doonta xeernidaamiyayaashan inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii hawshaasi uu guulaysan lahayd.