WhatsApp Image 2022-07-16 at 3.31.33 AM.jpeg
16/7/2022 Shirka billaha ah ee shaqaala-weynaha WTM.
Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Foosi Maxamed Faarax ayaa Saaka ka qeyb galay shirka shaqaale_weynaha wasaaradda, isagoo ay ku weheliyaan Agaasime waaxeedada iyo saraakiisha kale ee wasaaradda,
Shirkan oo U jeedadiisu ahayd is barasho iyo kor uqaadida adeegyadda qaranka wasaaraddu u qaabilsantahay .
Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaraddu ka koobantahay dhammaantood waxay ka war-bixiyeen shaqooyinkii u qabsoomay iyo qorshaha wax-qabad Ee Lixda bilood ee soo socda Agaasima-Waaxeedyadu waxay ku dheeraadeen ka war-bixinta shaqada waax-kasta hayso iyo inay lagama maarmaan tahay in dar-dar lagu wado shaqada.
shaqaale-weynaha WTM, ayaa ka dareen celiyey aragtida wanaagsan ee ay ka haystaan in laga-qayb geliyo ka aragti-dhiibashada horumarka & waxqabadka wasaaradda.
Agaasimaha guud Mudane Foosi Maxamed Faarax Ayaa Agaasime-waxeedyada iyo Shaqaale Waynahaba uga mahad celiyey soo dhawaynta Wanaagsan Sidoo kalana Boogaadiyey muhiimmadda uu shirkani u leeyahay xog-wadaaga shaqaalaha, is dareen dhagaysiga, ra’yi uruurinta iyo ka war-bixinta shaqada waaxkasta, masuul-kasta iyo shaqaale-kasta uu u hayo wasaaradda iyo guud ahaan qaranka Somaliland.
Ugu Dambayn Agaasimaha guud, Wuxuu ku adkeeyey Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan in ay dhaqan-geliyaan isla xisaabtan Masuuliyadeed si loo guto Shaqadda qaranka, Lana muujiyo Masuuliyad, Xilkasnimo iyo Xalaal miirasho.