358674796_659985672830271_3944297910374948631_n.jpg
08/07/2023 Shirka billaha ah ee shaqaala-weynaha WTM.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa Saaka ka qeyb galay shirka shaqaale_weynaha wasaaradda, isagoo ay ku wehelinayeen dhamaanba agaasime waaxeedyadda iyo saraakiisha kale ee wasaaradda, waxaana shirkan oo bila ah lagaga arrinsanaayay kor uqaadida iyo adeegga qaranka wasaaraddu u qaabilsantahay .
Agaasimaha guud Foosi Maxamed Faarax ayaa ka war bixiyay muhiimmadda uu shirkani u leeyahay xog-wadaaga shaqaalaha, is dareen dhagaysiga, ra’yi uruurinta iyo ka war-bixinta shaqada waaxkasta, masuul-kasta iyo shaqaale-kasta uu u hayo wasaaradda iyo guud ahaan qaranka Somaliland.
Sidoo kale Agaasimaha guud, Wuxuu ku adkeeyey Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan in ay dhaqan-geliyaan isla xisaabtan Masuuliyadeed si loo guto Shaqadda qaranka, Lana muujiyo Masuuliyad, Xilkasnimo iyo Xalaal miirasho.