447052551_854796806682489_50605219801745568_n.jpg
03/06/2024 Shirkii Bilaha ahaa ee Shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Saaka ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda.
Hargaysa Shirkii bilaha ahaa ee shaqaala weynaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xarunta wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,
Shirka oo uu Gudoominayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Agaasimaya guud ee wasaaradda ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Maamulka, Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ,waxaana kulanka furay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid,
isagoo Agaasimaha Guud Shaqaalaha uga soo Jeediyey hadal dheer oo dhiiri gelin, Dardaaran iyo Awaamiir isugu jira kuna tacaluqa Gudashada xilka iyo waajibaad kooda shaqo.
Ugu danbayn waxaa kulanka soo xidhay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Md Siciid Axmed Jibriil ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wakhtiga shaqadda