Wefti Ka Socda Shirkadda EAU Mining ayaa Saaka Booqasho ku Yimi Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL

 

Wafdiga shirkadda,oo hoggaaminayey Maamulaha Guud, James Durrant waxa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha, ahna ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Axmed Samatar, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taiwan Amb Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, Lataliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Farsamada iyo Batroolka, Eng Siciid Dhamac, Agaasimayaasha Waaxaha Shiidaalka, Saxaafadda iyo Xidhiidhka Dadweynaha, Xogta Dhulka, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan injineerrada Wasaaradda.

Intii uu socday kulanku, waxa la is dhaafsaday warbixinno la xidhiidha fursadaha maalgashi ee khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada macdanta, shidaalka iyo tamarta.

Sidoo kale, wafdigu waxay booqdeen Madxafka Macdanta (Mining Museum), halkaas oo ay ku arkeen noocyada kala duwan ee macdanta dalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.