Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) ,Wasiir ku xigeenk

Hargaysa(15/1/2025): Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax ,Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada ,Barbaarinta iyo Sayniska Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa saaka furay shirkii Gudida Hagta Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland( SESRP Steering Committee ) ,kaasi oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaaradda.

Ujeedada shirkan ayaa ah in warbixin laga siiyo Gudida halka uu maraayo Mashruuca Dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP), kaasi oo sadex bilood kasta la qabto sanadkii (Quarterly Meeting).

Intii uu socday kulankani waxa warbixin kooban ka siiyay Gudida halka uu maraayo Mashruucu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ,sidoo kale waxa warbixin dhamaystiran ka bixiyay qaybaha uu mashruucu ka kooban yahay iyo qayb kasta wixii ka qabsoomay xidhiidhiyaha ku meel gaadhka ee Mashruuca Mudane Cabdifataax Cumar Cabdilaahi isaga oo sidoo kalena xusay caqabaha jira ee loo baahan yahay in si wada jir ah looga gudbo.

Gabogabadii kulanka wasiirka ayaa uga mahadnaqay Gudida doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan sidii Mashruucani u guulaysan lahaa , si bulshada Somaliland u hesho koronto jaban , la isku halayn karo kana timaada ilo nadiifa.