Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Eng Axmed Jaama Bare Oo Helay Codka Kalsoonida Golaha Wakiillada.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Eng Axmed Jaama Bare Oo Helay Codka Kalsoonida Golaha Wakiillada.
Golaha Wakiillada JSL, ayaa Maanta ansixiyey 27 Xubnood oo iskugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiirro-dawleyaal.
Wasiir Eng Axmed Jaama Barr ayaa waxa u codeeyay dhammaan Xildhibaannada ka soo xaadiray fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada, kuwaasi oo dhammaa 65 Mudane.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo khudbad u jeediyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa ballan-qaaday sidii uu u horumarin lahaa khayrkaadka qaranka ee Tamarta, Macdanta iyo Shidaalka
...........
Agaasimaha Xidhiidhka Dad-weynaha iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL
Cabdifataax Mire Nuux.