
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL Ayaa Saxeexday Qandaraaska Koronto-ballaadhinta Magaalada Berbera, Kaas oo ay ku guulaysatey Shirkadda SINOSOAR.
Munaasibad ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Koomishanka Tamarta , Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi(Malow), madaxda shirkadda korontadda magaalada Berbera, Unugga fulinaya mashruuca soo kabashada korontadda Somaliland ee SESRP, iyo Qandaraaslaha (Contractor), ayaa si rasmi ah loogu saxeexay qandaraaska koronto-ballaadhinta magaalada Berbera. Mashruucan oo uu hore u dhagax dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Mashruucan koronto-balaadhinta magaalada Berbera waxa uu leeyahay awood dhan 12MWp Solar PV Power Plant, 36MWh Battery Energy Storage System (BESS) oo ah baytariyada kaydinta korontadda, iyo xadhiga korontadda qaada oo dhererkiisu dhan yahay 13.5 km.
Mashruucan, oo uu maalgelinaayo Bangiga Adduunka, isla markaana ay fulinayso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, waxa uu ujeedkiisu yahay in bulshada Berbera ay hesho koronto jaban, badqabta, la isku halayn karo, isla markaana ka timaadda illo nadiifa, taasi oo isbadal dhaqan dhaqaale ku keeni doonta magaalada Berbera.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Agaasimaha Guud, ayaa kula dardaarmay qandaraaslaha ku guulaystay shaqadan inuu ilaaliyo tayada shaqada, isla markaana ku dhammeeyo muddada loo cayimay, si bulshada Berbera ay u hesho koronto jaban, badqab leh isla markaana la isku halayn karo. Taasi oo magaalada u soo jiidi doonta maalgashi maxalli ah iyo mid caalami ahba, maadaama ay korontadu tahay aasaaska nolosha isla markaana ay halbeeg u tahay kobaca dhaqan-dhaqaale ee horumarka dalka.
Gabagabadii, qandaraaslaha ku guulaystay mashruuca koronto-balaadhinta magaalada Berbera ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono tayada shaqada, isla markaana ku dhammayn doono muddada loo cayimay, si loo gaadho yoolka mashruuca oo ah in bulshada Berbera hesho koronto jaban, badqabta, la isku halayn karo isla markaana ka timaadda ilo nadiifa oo deegaanka la saaxiib ah.
-
WSSESRView -
14SESRView -
ALLSESR22View -
1SESRView -
12SESRView -
11SESRView -
10SESRView -
9SESRView -
8SESRView -
6SESRView -
7SESRView -
4SESRView -
5SESRView -
3SESRView -
2SESRView -
ALLSESRView -
13SESRView -
27SESRView -
26SESRView -
28SESRView -
25SESRView -
24SESRView -
23SESRView -
ALLSESR23View -
22SESRView -
21SESRView -
20SESRView -
18SESRView -
19SESRView -
17SESRView -
16SESRView -
15SESRView
