WhatsApp Image 2022-03-06 at 11.50.52 PM.jpeg
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo MacdantaJSL, Mudane Cabdilaahi Cabdi Faarax oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mukhtaar Maxamed Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa maanta oo taariikhdu tahay 01.03.2022 Qaddo sharaf ku maamuusay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibedda Cabdinasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo 15-ka Safiir ee JSL u fadhiya dalalka aduunka. Madasha qado-sharafta oo ka qabsoontay Hotel Guleed Ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay Agaasimayaasha Waaxyaha wasaaradda ee Macdanta, Shidaalka iyo Tamarta ay safiirrada ugu bandhigeen Khayraadka Dalka ee kala duwan, sida Macdanta, Shidaalka iyo dhanka Tamarta. Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo macdanta Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa danjireyaaal JSL uga mahad-celiyey shaqada culus ee ay qaranka u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan, isla markaana iib-geeyaan horumarinta qadiyada iyo khayraadka dalka. Wasaaradda tamarta iyo macdanta JSL ayaa deddaal xooggan ugu jirta sidii loo soo saari lahaa khayraadka Waddanka.