MASHRUUCA SAHAMINTA MACDANTA Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu iyadoo daba socota Mashaariicda Sahaminta ee bilaabmay 2020 taasoo maalgalinteeda lahayd Dawladda dhexe ee Somaliland ayaa ka bilowday gobolka Sanaag sahamin macdaneed oo ay kala shaqaynayso shirkadda muwaadinka ah ee Khalifa Mining and Engeering Consultants (KME). Gobolka Sanaag waxa uu ku yaallaa dhulka buuraleyda ah ee Bariga Somaliland, waxaanu xuduud caalami ah la leeyahay Puntland. Gobolku wuxuu leeyahay dhul Jiyoolojiyeed qani ku ah dahabka. Waa mid cadeyn u ah jiritaanka dahabka ee dalka. Waxa jira meelo badan oo dahab ah oo Somaliland ku jira, laakiin aan ku koobnayn dhulka Cirshiiida iyo Maydh. Gobolka waxa ka socda hawlgalo Macdan soo saarid iyo sahaminta Dahabka oo laga wado dhulka buuraleyda ah ee aan weli laga faa’iidaysan khayraadkiisa Macdanta. GoobahaMacdanata laga Sahaminayo iyo baaxadooda  Sadax goobood ayaa ah meelaha lagu tuhmayo Macdanta Maydh, Caado iyo Gorgor. Deegaanka mashruucan laga fulinayo ayaa ah gobolka Sanaag oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo. Baaxada goobaha ayaa ah:  Maydh (144km2)  Caado (27km2)  Gorgor (35km2) Macdanaha la Danaynayo ayaa ah:  Dahab (Gold)  Copper  Manganese  Lead iyo  Macdanaha kale Biraha (Base Matels) HABKA IYO HANAANKA SAHAMINEED EE MASHRUUCA Habka sahamintu wuxuu ka koobnaan doonaa, habka jiyookimikada (geochemical), habka jiyoofisikada (geophysical) iyo sahaminta cilmiga dhulka (geological mapping), mudada mashruucuna waa Shan iyo Afartan cisho 45 Horumarinta Macdantu waa Yaraynta Abaaraha274298270_323856916443150_1441357066082228078_n.jpg