Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo ka qaybgashay shir caalami ah, oo Lagaga Hadlayey Horumarinta Tamarta Africa.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo ka qaybgalay shir caalami ah, oo Lagaga Hadlayey Horumarinta Tamarta Africa.

Eng. Mustapha Mohamoud, Lataliyaha Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, ayaa Somaliland ku matalay African Energy Efficiency Conference 2025 oo lagu qabtay Addis Ababa, Ethiopia, kaas oo ay soo qabanqaabisay African Energy Commission.

Shirkan oo socday afar maalmood, waxa ka qaybgalay in ka badan 600 wakiil, khubaro iyo hay’ado caalami ah. Shirka waxa lagu falanqeeyey arrimo muhiim u ah mustaqbalka tamarta Afrika, oo ay ka mid yihiin:

Sidii Afrika u heli lahayd tamar tayo leh oo la wada gaadhi karo.
Horumarinta siyaasadaha iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo tamarta qaaradda.
 Xoojinta isku-xidhka iyo iskaashiga tamarta ee wadamada Afrika.
Dhiirrigelinta hal-abuurka, farsamooyinka casriga ah, iyo tiknoolajiyada tamarta waxtarka leh, si loo kordhiyo awoodda dalalka Afrika ee soo saarista iyo kaydinta tamarta.

Horumarinta mashaariicda tamarta ee gaarka loo leeyahay (Private Sector Energy Investments), si loo kobciyo maalgelinta ganacsiga iyo ka qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay ee tamarta.

Shirku waxa uu noqday madal istiraatiiji ah oo xoojisay iskaashiga Afrika, laguna wadaagay xalal cusub oo waara, taas oo kor u qaadday ajendaha tamarta waxtarka leh iyo maalgashiyada mustaqbalka.